DF iyo Bangiga Adduunka oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc muhiim ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha ra’iisul wasaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya.

Mashruucan oo ah mid muhiim ah ayaa waxa uu wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taasi oo qeyb ka ah hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xilligaan dowladda iyo shacabka ay dagaalka adag kula jiraan kooxaha argagaxisada ah.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.

Waxa uu intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna xukuumadda Dan-Qaran dhinac waddo dagaalka Shabaab barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta.

Sidoo kale mashruucan waa mid kaalin mug leh ka qaadanaya in la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.