25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

DFS iyo maamulada oo 3 arrin isku haya maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo hogaanka ugu sareeyo dalka, kuwaasi oo kaga arinsanaya arimo u badan doorashooyinka dalka.

Seddex qodob ayaa ugu waaweyn shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay yeelanayaan hogaanka maamul goboleedyada iyo madaxda ugu sareeya dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxaayabaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadlayaan madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa ugu waaweyn arimaha doorashooyinka iyo hishiiskii dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Garowe.

1:- In Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya isla qaataan qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

2:- Arrimaha heshiiskii garoowe ay kuwada Saxiixdeen puntland & dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

3:- Go’aan ka gaarista halka ay ka dhacayso Doorashada baarlamaanka iyo Madaxwaynaha, iyadoo laga fakaryo amniga, waana qodobka ugu xasaasisan.

Madaxweyne Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Guuleed ayaa ka qeyb galaya shirka beri ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News