Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacay dhulaka buurleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo uu ka socda dagaal ka dhan ah kooxda Daacish.
Qoraal kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay duqeyntan oo ahayd bartimaameed lagu dilay xubno Daacish ah, balse ma laguma shaacin tiro rasmi ah.
“Waxaan dilnay xubno Daacish ah oo halis ku ah xasilinooda Soomaaliya iyo kan gobolka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono howlgalkiisa Somalia, si loo cuuryaamiyo awoodda kooxaha argagixisaa ee Al-Shabaab iyo Daacish.
“AFRICOM waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo kooxaha xagjirka ah ee halista ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka kaso baxay Taliska Ciidamada AFRICOM.
Ujeedka weerarkan ayaa sidoo kale ahaa mid lagu taageerayay ciidamada difaaca Puntland ee haatan howlgallada culus ka adag aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Duqeyntii u dambeysay ayuu Mareykanku dhowaan ka fuliyay aagga togga Miiraale, halkaas oo lagu dilay tiro kamid ah dagaalamaayasha Daacish, kuwaas oo maydadkooda loogu tegay godadkii lagu duqeeyay.
Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada halkaas.
Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

