Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar kamid ah mucaaradka ayaa maanta ku heshiiyey in labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka JFS ay shacabku soo doortaan oo qof iyo cod ay ku yimaadaan, kuwaas oo doora doona Madaxweynaha, taas oo ka dhigan in Teendhadii loo laabanayo oo Madaxweynaha lagu soo dooranayo.
Sidoo kale, shacabku waxay soo doora doonaan golayaasha deegaanka, baarlamaanka dowlad-goboleedyada, sidaas oo kale madaxweynaha dowlad goboleedka waxaa doora doona xildhibaanada heer gobol ee shacabku ay soo doortaan, kuwaas oo qof iyo cod ku imaanaya.
Inkastoo tallaabo horay loo qaaday, hadana waxaa madaxweynayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada doora doona baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, sida lagu heshiityey maanta, hadii aysan wax kale iska beddelin.
“Waxaa la isku raacay in si wadajir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod),” ayaa lagu yiri qeyn ka mid ah war-saxaafadeedkii xukuumadda iyo mucaaradka.
Waxyaabihii lagu muransanaa Xasan Sheekh waxna waa ka tanaasulay, qaarna waxaa loola qaatay sidii uu qorsheeyey, balse arrinta ugu daran ee dad badan ka niyad-jabeen waa in madaxweynaha aysan shacabku doora doonin.
Tani waxay ka dhigan tahay in siyaasiyiintu ay iska wareejiyeen caqabad ay ka mideysnaayeen oo ka heysatay awooda madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo fursad dambe aan u heli doonin inay soo xulaan xildhibaanada, si lamid ah doorashadii hore oo siyaasiyiin badan lagu gumeystay.
Ra’iisul wasaare hore, Cumar Cabdirashiid, oo heshiiskii maanta sharaxay ayaa yiri, “70% wixii ku jiray cutubkii afaraad waa isla qaadanay, Madaxweynuhu inuu noqdo Madxweyne Baarlamaanku soo doorto, Ra’iisul Wasaaraha inuu Madaxweynuhu magacaabo, awoodda kalsooni siinta iyo ka qaadista in Baarlamaanku leeyahay, arrintii xisbiyada ee saddexda xisbi la xiray in laga dhigo xisbiyo ku saleysan nidaamka “Threshold” illaa 10% la gaarsiiyo, si aysan u baahin.”
Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan ku heshiinay in dib loo soo celiyo nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee dhaqan siyaasadeedka ahaa, salkana ku hayay heshiiskii Carta, kaas oo qeexaya awood qeybsiga iyo hannaanka lagula xisaabtami karo dowladnimada.”
Waxaa la isku raacay in ururkii hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaran, “Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedka.
Sidoo kale waxaa la go’aamiyey in doorashada dowlad goboleddyada deg deg loo aado, taasi oo ka bilaabaneysa Laascaanood oo 30-ka bishaan oo ku beegan Sabtiga soo socda lagu doora doono Madaxweynaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku soo xiga, kuwaas oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka, bilaha soo socda waxaa la qabanayaa doorashadooda, halka gobolka Gedo la qorsheynayo in laga dhiso maamul cusub oo Jubbaland lagu jebinayo, maadaama Axmed Madoobe Kismaayo looga adkaan waayey.