Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay abaalmarin siinayso askarigii wadada Madaxtooyada ka celiyay Shabaabkii weeraray xarunta NISA ee Godka Jilicow.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay arrintan.
“Waxaan ballanqaadayaa in dowladda ay abaalmarin siin doonto askarigii Khawaarijta ka celiyay inay u soo gudbaan dhanka wadada Madaxtooyada. Askariga iyo kuwa la midka ah waa la abaalmarin doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali.
Sidoo kale, wuxuu weerarkii Godka Jilicow ee Sabtidii ka dhacay ku tilmaamay mid la mid ah kuwa ka dhaca caalamka, sidaas darteedna aysan ahayn in la buunbuuniyo.
“Weerarkii Godka Jilicow ku qaaday Khawaarijta wuxuu la mid yahay weerarrada argagixiso ee dunida ka dhaca. Muqdisho waa amni, sanad gudaheedna hal qarax ayaa dhacay,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Weerarkaasi oo kooxda u adeegsatay xeelad cusub, ayaa raggii fuliyay iyo gaarigooduba magaalada kasoo galeen dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo si caadi ah uga soo gudbay ex-koontarool Afgooye, kadibna ay soo abaareen gudaha magaalada oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed si weyn loo qorsheeyay.
Ragga fuliyay weerarka oo ahaa ilaa 7 nin ayaa soo maray koontaroollo kala duwan, ayna ciidanka ku qaldeen dareeska iyo astaanta gaariga oo ahayd midda ay adeegsadaan ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA, taas oo u fududeysay inaysan marin wax baaritaan ah.
Koontaroollada ay raggan soo mareen waxaa kamid ahaa kan aagga Madaxtooyada, iyadoo wadadaas laga celiyay kadib markii mid kamid ah askartii ilaalada ku jirtay uu ka shakiyay.
Kadib weerarkaasi, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la adkeeyo xakamaynta gaadiidka ciidamada, waxayna Wasaaradda Amniga Gudaha ku wargelisay ciidanka amniga ee jooga baraha hubinta inay si buuxda u baaraan gaadiidka dowladda.
Sidoo kale, waxay fartay in si dhow loola socdo dhaq-dhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho.
Tan haddii la dhaqan geliyo, si toos ah ayey u saameyn doontaa ciidamada ku socda gaadiid buufsan, maadaama hore baaritaanka baraha hubinta uu inta badan ku koobnaa gaadiidka rayidka ah ee safaf dhaadheer ku gala isgoysyada Muqdisho.
Si kastaba, weerarkii Sabtidii ayaa daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.
Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabaysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.