28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

DF oo amartay in la xiro goobaha waxbarashada Gobolka Banaadir + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa amartay in la xiro dhammaan goobaha waxbarashada gobolka Banaadir, sababo la xiriira doorashada goleyaasha deegaanka ee ka bilaabanaya magaalada Muqdisho.

Amarkan ayaa toos loogu wargeliyay bahda waxbarashada, gaar ahaan maamullada iskuullada iyo kuwa jaamacadaha ee gobolka Banaadir.

“WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025” ayaa lagu yiri.

Sababta loo hakinayo waxbarashada ayay wasaaraddu ku sheegtay doorashooyinka tooska ah ee la filayo in Khamiista ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

“Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale wasaaraddu ka dalbatay goobaha waxbarashada ee loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka inay la shaqeeyaan guddiga maamulaya doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceysa gudaha caasimada.

“Haddaba, Wasaaraddu waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka in ay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
Maalmaha la hakiyey waxbarashada, waxaa gadaal looga dari doonaa kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025-2026” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tallaabo u qaaday doorashooyinka, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda ee u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii doorashadu ugu dhici lahayd si hufan, nabad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda doorashooyinka dalka.

Doorashooyinkan ayaa qabsoomaya, iyadoo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka oo ay diidan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News