28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

DF oo baaritaan ku sameynaysa dhacdadii naxdinta laheyd ee isbitaalka Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan deg-deg ah oo ku saabsan dhacdadii murugada laheyd ee haweeney Soomaaliyeed ay ku umushay iridda Isbitaalka Banaadir.

Haweenaydan oo la sheegay in loo diiday gurmad caafimaad oo deg-deg ah ayaa halis gashay, iyadoo ku umushay laamiga hormara isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay maanta ayaa lagu sheegay in Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka, Dr. Cali Xaaji Aadam uu amar ku bixiyay in dib loo eego muuqaalada CCTV-da isbitaalka iyo in la soo ururiyo warbixin dhameystiran, iyadoo la warsanayo maamulka iyo howl-wadeennada isbitaalka, si loo ogaado xaqiiqda ku saabsan sida ay arrintu u dhacday.

Wasaaraddu waxay tilmaamtay inay si buuxda uga go’an tahay difaaca iyo daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed, ayna muhiimad gaar ah siinayso in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadan si loo helo xaqiiqada dhabta ah.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in haddii baaritaanka lagu ogaado dayacaad, mas’uuliyad-darro ama khalad ka dhacay shaqaalaha ama maamulka Isbitaalka Banaadir, tallaabo sharci iyo mid maamul laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo eeddaas.

Dhanka kale, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa sheegay inay arkeen muuqaal muujinaya haweeney Soomaaliyeed oo ku umushay banaanka isbitaalka Banaadir, iyadoo aan helin daryeel caafimaad, isla markaana ay bilaabayaan baarista dhacdadan.

“Golaha oo ka xun dhacdadan waxa uu baaritaan daahfurn ku sameyn doonaa kiiskan, waxa uuna degdeg bulshada ula wadaagi doonaa sababta keentay dayaca iyo daryeel la’aanta ku dhacday hooyada iyo natiijada baaritaanka, waxa uuna qaadi doona tallaabooyinka sharciga ah ee la gudboon,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen.

- Advertisement -

Read more

Local News