29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DF oo billowday qorshaha lagu soo saarayo lacag cusub + Habka ay u shaqeyn doonto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa horey u dhaqaajisay dadaal taariikhi ah oo dib loogu soo celinayo shilin Soomaaliga si uu u noqdo lacagta rasmiga ah ee dalka — tallaabo lagu doonayo in dalku dib ugu soo ceshto madax-bannaanidiisa dhinaca maamulka lacagta, ka dib tobannaan sano oo lagu tiirsanaa dollarka Maraykanka isla markaana ay baaheen lacago been abuur ah.

Dib-u-habayntan ballaaran, oo ay mas’uuliyiinta Soomaalidu ku tilmaameen “arrin mudnaan qaran leh,” waxay qeyb ka noqon doontaa is-weydaarsi lacageed oo dhameystiran iyo soo bandhigidda “nidaamka guddiga lacagta” (currency board arrangement) oo si adag loo maamuli doono, si loo xasilloonneeyo shilinka cusub loona dhiso kalsoonida shacabka.

Qorshahan, oo helaya taageero farsamo iyo mid maaliyadeed oo xooggan oo ka imaanaysa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa dhowaan helay $10 milyan oo dollar oo lagu xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo dib-u-habaynta dhaqaalaha ee ballaaran ee Soomaaliya.

Dib-u-habaynta lacagta, oo udub-dhexaad u ah aragtida dawlad-dhisidda ee xukuumadda, ayaa loo arkaa mid muhiim u ah midnimada qaranka. Madaxdu waxay aaminsan yihiin in dib u soo noolaynta lacag qaran oo lagu kalsoonaan karo ay fududeyn doonto is-dhaafsiga maalinlaha ah, isla markaana ay noqon doonto mid loo wada dhan yahay, gaar ahaan Soomaalida nugul ee aan awoodin inay helaan dollarka ama adeegyada lacagaha mobaylada.

Guddiga lacagta oo udub-dhexaad u ah qorshaha

Waxaa udub-dhexaad u ah dib-u-habayntan nidaamka la soo jeediyay guddiga lacagta (CBA) — kaas oo ah nidaam shilin Soomaaliga cusub ku xiraya lacag qalaad oo deggan, oo ay u badan tahay inuu noqdo dollarka Maraykanka, iyadoo la raacayo sarif go’an. Sida ku cad nidaamkan, shilin kasta oo suuqa ku jira waa inuu si buuxda u helaa keyd lacag qalaad ah oo u dhigma.

Habkan waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo xasilooni maaliyadeed lagagana hortago sicir-bararka, iyadoo si weyn loo xaddidayo awoodda bankiga dhexe ee ah inuu lacag soo daabaco isagoon haysan keyd lacag qalaad ah oo ku filan.

“Waxaan aaminsannahay in guddiga lacagtu uu abuuri doono jawi siyaasadeed oo deggan oo la saadaalin karo si loo xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo lacagta qaranka ee guud ahaan Soomaaliya, iyadoo la sii wadi doono nidaamka labada lacag, oo tan kale ay tahay dollarka Maraykanka,” ayay mas’uuliyiintu ku sheegeen qoraal ay soo saareen

Tan iyo burburkii dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, nidaamkii maaliyadeed ee rasmiga ahaa ee dalka ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay. Bankigii Dhexe wuu istaagay, shilinkii Soomaaliga ee rasmiga ahaa qiimihiisii wuu lumay, suuqana waxaa buux dhaafiyay lacago duugoobay oo inta badan been abuur ah — kuwaas oo qaarkood weli si xaddidan looga isticmaalo dalka maanta.

Maqnaanshaha lacag qaran oo shaqeynaysa darteed, Soomaaliya waxay isu beddeshay dal dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay dollarka. Dollarka Maraykanka ayaa noqday lacagta rasmiga ah ee wax la isku dhaafsado inta badan, waxaana markii dambe kaalmeeyay adeegsiga baahsan ee nidaamyada lacagaha mobilada. Laakiin la’aanta lacag qaran ayaa ka dhigtay dawladda mid aan awood u lahayn inay maamusho siyaasadda lacagta, waxayna dhaqaalaha rasmiga ah ka saartay Soomaali badan oo sabool ah.

Habraaca lagu fulinayo qorshaha

Qorshaha Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo shilinka wuxuu ku saleysan yahay qorshe-hawleed marxalado leh oo sharci ku dhisan. Sida ku cad dokumiintiyada IMF, qodobada ugu muhiimsan ee la higsanayo waxaa ka mid ah:

  • Wax ka beddelka sharciga Bankiga Dhexe: Dawladdu waxay gabagabaynaysaa dib-u-eegista lagu samaynayo Sharciga Bankiga Dhexe si sharci ahaan loogu dhiso qaab-dhismeedka guddiga lacagta. Hindise-sharciyeedkan ayaa la filayaa in la horgeeyo Baarlamaanka dhammaadka bisha Diseembar 2025.
  • Abuuridda xeerar taageeraya: Marka sharciga la meelmariyo, Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu soo saari doonaa xeerar muhiim ah — oo ay ku jiraan xeerarka dhinacyada is-dhaafsiga lacagaha qalaad marka la gaaro May 2026, iyo waajibaadka ah in toddobaadle loo daabaco miisaaniyadda guddiga lacagta marka la gaaro Luulyo 2026.
  • Hirgelinta: Dib-u-habayntan waxay dhaqan geli doontaa ka dib marka la soo saaro lacagta cusub ee daabacan iyo marka si rasmi ah loo dhiso guddiga lacagta.

In kasta oo la dejiyay hab-raac habaysan, haddana waxaa jira caqabado. Mas’uuliyiintu waxay xoojiyeen dadaallada lagu doonayo in lagu helo dhaqaale dheeri ah oo loogu talagalay is-weydaarsiga lacagta. Guusha qorshahani waxay si weyn ugu xiran tahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada (DGS) — taas oo ah hawl adag marka la eego xaaladda siyaasadeed ee kala qaybsan ee Soomaaliya.

Hay’adda IMF ayaa ammaan u jeedisay sida ay dawladdu uga go’an tahay horumarinta qorshahan, waxayna ku baaqday in horumar joogto ah laga sameeyo is-weydaarsiga lacagta iyo qaab-dhismeedka CBA labadaba.  

- Advertisement -

Read more

Local News