Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka fulisay duqeymo culus oo lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
“Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa Buurta Cadayga oo ku taala deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu dilay Ilaa iyo 13 xubnood oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.
Sidoo kale, warkaan waxaa lagu sheegay in duqeymahaan kooxda Al-Shabaab looga dhaawacay tiro kale oo dagaalamayaal ah.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen, iyaga oo halkaas ka abaabulayay dhagaro ay la damacsanaayeen inay ku abaabulaan duulaan culus, sida lagu cadeeyey warkaan.
“Inta uu socday howlgalkan waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad hub ah oo khawaarijta ugu diyaarsaneed halka uu ka dhacay howlgalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabkeeda geesiyaasha ah iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, lana sugo amniga guud ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni waarta.”
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday abaabul culus oo dagaal, diyaaradaha dagaalka ayaa la howlgeliyey, waxaana dhanka Sabiib iyo Caanoole ka socda duqeymo kale, inkastoo aan weli laga soo saarin faahfaahin.