Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ciidanka loogu tala-galay sugidda amniga doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir u kala diray fariisimaha loo qorsheeyay inay ka howl-galaan.
Ciidankan ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda amniga muwaadiniinta codkooda dhiibanaya maalinta berri ah oo ku astaysan 25-ka December 2025.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa ciidankii u dambeeyay caawa u kala direy goobaha loo asteeyay.
Taliyuhu waxa uu saraakiisha iyo ciidamada kula dardaarmay in waajibaadka ilaalinta amniga ay u gutaan si hufan, iyadoo la tixgelinayo danta dalka iyo dadka.
Sidoo kale, wuxuu faray in si gaar ah loo caawiyo waayeelka, dadka naafada ah iyo hooyooyinka.
Doorashada ayaa berri ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay metelayaan 1,604 oo musharrax oo ku tartami doona 390 kursi.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo bandow la gelinayo caasimadda inta ay soconeyso codeynta doorashada oo ah lixda aroornimo 6:00 AM) ilaa lixda maqribnimo (6:00 PM), waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.
Arrimahan ayaa imanaya xilli ay si adag uga soo horjeedaan doorashada la qorsheeyay maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.
Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.
Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

