Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay canshuur cusub kusoo rogto dadka shaqeeya, gaar ahaan kuwa qaata mushaarka billaha ah.
Sida lagu xusay sharciga cusub ee canshuuraha dakhliga, dowladda ayaa canshuuri doonta dadka mushaharkoodu u dhexeeyo $101–$500, iyadoo laga jari doono illaa 6%. Canshuurtaasi waxay si toos ah ugu dhacaysaa dowladda federaalka.
Sidoo kale, waxaa 12% laga jari doonaa dadka qaata mushaar bille ah oo u dhexeeya $501–$1500, halka dadka qaata mushaharka ka badan $1500 laga qaadi doono 18%.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo sii xoojinaysa qorsheyaasha kor u qaadista dakhliga gudaha, ayaa canshuurtan cusub ku xustay sharciga cusub ee canshuuraha dakhliga, kaas oo la filayo inuu si rasmi ah u ansixiyo Baarlamaanka Soomaaliya.
Canshuurtan ayaa durba hadal-hayn xooggan ka abuurtay baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen wax aan suurto-gal ahayn, maadaama uusan jirin adeeg dowladeed oo bilaash ah, isla markaana muwaadinka laga qaado canshuuro fara badan oo magacyo kala duwan leh, kuwaas oo aan waxba loogu qaban.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u hirgelisay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaan VAT. Canshuurtaas oo ay ka cabteen shacabka Muqdisho, ayaa dowladda beddeshay habkii hore, iyadoo hadda si toos ah looga jaro lambarada ganacsi ee loo yaqaan “Merchant”.
Ganacsatada ayaa lacagta canshuurta iibka ku dalaceysa muwaadinka, kadibna marka uu isla marka dhaco iibka dowladda ayaa lambarka ganacsadaha ka jaraneysa xadiga canshuureed ee uu wax ku iibsaday.
Inkasta oo hanaanka ay dowladda u jarato canshuurta ay tahay mid ganacsatada ka go’aysa, haddana culeyska waa mid shacabka ku dhacaya, maadaama ayaga lagu dalacayo canshuurtan oo dhan 5%.
Bulshada Soomaaliyeed, oo haatan la daala dhacaysa duruufo nololeed oo adag, ayaa u aragta canshuuraha tirada badan ee la soo rogay culeys hor leh, kuwaas oo aan dib ugu laaban shacabka, balse ku dhacaysa jeebabka madaxda sare.