Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Haramcad ayey maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya u daabushay gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.
Gobolkan oo maalmahan ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, ayaa waxaa haatan ciidan hor leh oo ay halkaasi ka dejisay dowladda dhexe.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii dagaallo sababay khasaare ay laba maalmood oo xiriir ah ka dhaceen magaalada Beledxaawo. Dagaalladaas ayaa billowday kaddib imaanshaha magaalada ee Cabdirashiid Janan iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Cabdirashiid Janan oo maalmo ka hor loo magacaabay taliyaha hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa halkaasi ka fulinaya qorshaha Dowladda Federaalka ee ka dhanka ah Jubbaland. Dabayaaqadii sanadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale Dowladda Federaalka ay ciidamada Haramcad ugu daabushay deegaanka Raas-Kambooni ee isla Jubbaland.
Todobaadkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan geysay qeybo kamid ah Gedo, si ay usii xoojiyaan kuwii horay u joogay gobollaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.
Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.
Si kastaba, shacabka ku nool gobolka Gedo ayuu si toos ah u saameeyay khilaafka siyaasadeed ee daba-dheeraaday, kaas oo marar badan dib u dhac iyo qalalaase ka abuuray gobolka, iyadoo labada dhinac ee dowladda dhexe iyo Jubbaland ay weli isku hayaaan maamulka iyo amniga gobolka.

