Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ciidamo dheeraad ah oo suga amniga gaysay daafaha magaalada Muqdisho, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud iyo waxa soo galaya gudaha caasimada.
Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay bannaanka caasimada, waxayna ka sameeyeen howlgal amni xaqiijin ah.
Ujeedka ayaa ah in ciidamadan ay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqyada xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar sida dhuumaaleysiga ah ku yimaada deegaannada u dhow Muqdisho.
“Howlgalka oo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo looga shakiyay dhaqdhaqaaqyo amnidarro” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale saraakiisha howlalka hoggaamineysay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeeddadu tahay ka hortagga wax kasta oo halis ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada, isla markaana lagu xaqiijinayo nabadda iyo kalsoonida shacabka.
“Ciidanka Haramcad ayaa horey u sameeyay howlgallo miro dhal ah oo lagu soo qabtay dad iyo walxo khatar ku ahaa bulshada” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidan badan u dhigtay baraha laga soo galo caasimada, si ay u hubiyaan gaadiidka, ugana hortagaan weerarada qaraxyada ah.
Muqdisho ayaa hadda xasiloon, waxaana dadaalka la sameeyay uu horseeday in laga nasto qaraxyadii tirada badnaa iyo dilalkii qorsheysnaa ee ay soo abaabuli jireen Al-Shabaab.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isbeddal wayn ka sameysay amniga iyo dhismaha ciidanka, taas oo lagu boggaadiyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.