26.5 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

DF oo dacwad ka gudbisay xubno ka tirsan guddiga…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay tallaabo sharci ah qaadday, kaddib markii ay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbisay dacwad ka dhan ah xubno ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS).

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan uu yimid kadib markii la xaqiijiyay eedeymo ku saabsan musuq-maasuq, tahriibin iyo ku takrifal awoodeed oo ka dhex dhacay Guddiga Olombikada, iyadoo arrintaas ay sababtay in la qaado talaabooyin waafaqsan sharciga isboortiga dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xubnaha dacwadda lagu oogay ay ka mid yihiin Guddoomiyaha GOS Axmed Cabdi Xasan (Wataac), Guddoomiye Ku-xigeenka Duraan Axmed Faarax, Xoghayaha Guud Maxamed Cabdow Xaaji, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Faarax Cali Macalin.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in eedeysanayaasha lagu soo oogay ay mari doonaan habraaca garsoorka dalka, isla markaana natiijada baarista iyo tallaabooyinka xiga lagu wargelin doono bulshada si hufan oo daahfuran.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Wasiirka Dhallinyarada uu cadaadis ku hayo guddiga.

Guddoomiyaha ayaa ku andacooday in uu doonayo in si sharci-darro ah loogu wareejiyo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan.

“Wasiirka oo ka tirsan qoyska madaxweynaha wuxuu dhibaato xooggan ku haaya gudigeena oo ah mid madax-banaan oo is doorta, mushaarna aan ka qaadan dowladda.”

Wataac ayaa intaas ku daray in xaruntii Wasaaradda ee hore loo sheegay in laga maarmay ay hadda gacanta u gashay ganacsato dano gaar ah leh, taas oo uu ku tilmaamay arrin muujinaysa in faragelin lagu hayo madax-bannaanida guddigooda.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa maalin ka hor shaqo-joojin ku sameeyay Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) Mr Axmed Cabdi Xasan wataac iyo Xoghaye Maxamed Cabdow Xaaji, kadib markii lagu eedeeyay hab-dhaqan ka hor imaanaya nidaamka, anshaxa iyo shuruucda maamulka ciyaaraha dalka.

“Go’aankan ayaa ka dambeeyay baaritaanno hordhac ah oo muujiyey in masuuliyiintan ay ku kaceen falal liddi ku ah mas’uuliyadda loo igmaday, kuwaas oo sababay kalsooni-darro ku timid xiriirka u dhexeeya wasaaradda iyo guddi-hoosaadyada ka tirsan hey’adaha ciyaaraha qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda shaqo joojinta ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Dhalinyarada.

Tallaabadan ayuu Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ku tilmaamay mid looga gol leeyahay in lagu hagaajiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo madax-bannaanida ururrada ciyaaraha ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News