Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan alaabihii laga saaray bakhaarkii ku yaalay Dekedda Muqdisho, kuwaas oo saameyn ku yeeshay hawlaha ballaarinta dekedda, si buuxda dib loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), kaddib warar dhawaan soo baxay oo arrintaas la xiriiray.
Dowladdu waxay sheegtay in alaabtaasi ay dib u heshay hay’adda WFP, isla markaana la hubiyay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, si loo xaqiijiyo sii socoshada gargaarka bani’aadantinimo ee loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay inay mas’uuliyad buuxda ka qaaday dhacdadan, taas oo ay ku tilmaantay mid nasiib-darro ah, isla markaana ay ka xuntahay inay dhacdo, iyadoo ballan-qaadday in laga shaqeyn doono in aanay mar kale soo laaban.
Si loo hubiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, isla markaana aan hakad gelin, Dowladda Federaalka waxay Hay’adda Cuntada Adduunka siisay bakhaar ka weyn kana habboon kii hore, kaas oo ku yaalla gudaha aagga Dekedda Muqdisho.
Bakhaarkan cusub ayaa la sheegay inuu leeyahay awood kaydin oo ka ballaaran tii hore, isla markaana u sahli doona WFP in ay si hufan u maamusho kaydinta iyo qaybinta gargaarka, gaar ahaan xilliyada ay baahidu sii kordhayso.
Dowladdu waxay xustay in ay sannado badan xiriir wada-shaqeyn oo joogto ah la lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka, gaar ahaan dhinacyada hawlgalka iyo saadka, taas oo door muhiim ah ka ciyaartay fududeynta gargaarka bani’aadantinimo ee dalka.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo isuduwidda iyo wadaagga macluumaadka lala yeesho deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, si loo hubiyo hufnaan iyo isfahan buuxa.
Arrintan awgeed, Dowladda ayaa shaacisay inay dib u eegi doonto duruufihii ku xeernaa dhacdadan, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin lagu horumarinayo hababka isgaarsiinta iyo wada-xiriirka, si looga hortago dhibaatooyin la mid ah inay mustaqbalka dhacaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da gargaarka bani’aadantinimo, oo ay ugu horreeyaan daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta danaha dadka nugul ee Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujisay qiimeynteeda ku aaddan iskaashiga dhow ee ay la leedahay Hay’adda WFP, Dowladda Mareykanka iyo guud ahaan beesha deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, iyada oo caddeysay in wada-shaqeyntaas ay laf-dhabar u tahay taageerada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.


