26.1 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

DF oo dib u dhigtay dhaqan-galka go’aan ay hore u shaacisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (ICA) ayaa shaacisay in dib loo dhigay go’aankii shuruuda looga dhigay Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee loo adeegsanayo safarrada gudaha dalka.

Go’aankan ayuu qorshuhu ahaa inuu dhaqan-galo marka la gaaro 1-da Janaayo 2026, balse haatan hay’addu waxay dib u dhigtay illaa 1-da Maarso 2026.

Hay’addu waxay tilmaantay in go’aan lagu gaaray in dib loo dhigo dhaqangelinta shuruuddan, si muwaadiniinta loo siiyo fursad dheeraad ah oo ay ku qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

ICA ayaa sheegtay in inta ka horreysa taariikhdaas, muwaadiniintu ay sii wadan karaan safarka gudaha iyaga oo aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, hase yeeshee ay habboon tahay in muddadan la ka faa’iideysto si loo dhameystiro isdiiwaangelinta.

Hay’addu waxay mar kale adkaysay muhiimadda uu Kaarka Aqoonsiga Qaranku u leeyahay sugidda amniga, fududeynta socdaalka gudaha, iyo helitaanka adeegyada kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka ah.

Sidoo kale, muwaadiniinta ayaa loogu baaqay inay si dhaqso leh isu diiwaangeliyaan xarumaha rasmiga ah ee bixiya Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si looga baaqsado dhibaatooyin iman kara marka shuruuddu si rasmi ah u dhaqan gasho.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka aqoonsiga qaranka iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo Soomaaliya ay yeelato.

- Advertisement -

Read more

Local News