Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubaland, iyadoo digniin u dirtay ciidanka ka amar qaata Axmed Madoobe ee qaybta ka ah dagaalka.
Wasaaradda amniga gudaha oo qoraalkan soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ay cambaareyneyso fal-dambiyeed ay sheegtay in maanta Axmed Madoobe uu ka gaystay degmada Beledxaawo, iyada oo dhabarka u saartay mas’uuliyadda dagaalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerareen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada ee degmadaas, uuna jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba.
“Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta, halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kae waxaa lasii raaciyay “Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada dadkii dhintay dagaalkii maanta oo isugu jiro askar iyo shacab, iyada oo ballan qaaday in lala xisaabtami doonto ciddii ka dambeysay falkaasi, isla markaana si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay ciidamada Jubaland ee ka amar qaata Madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna sheegtay in loo isticmaalayo si khadlan, ayna uga digeyso inay sii dagaalamaan, maadaama uu ka dhalanayo dambi aad u culus.
“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinkeeda Jubaland oo goor sii horreysay ka hadashay dagaalka ayaa iana ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sidoo kale guul ka sheegatay dagaalkii maanta.
“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa Maanta dagaal Xaq-daro ah kusoo qaday Shacabka nabada jecel ee Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa iska difaacay Maleyshiyaadka ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.
Waxaa kale oo ay Jubalanad sii raacisay “”Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada”.


