DF oo digniin cusub kasoo saartay dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo shaqsiyaadka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa digniin cusub kasoo saaray dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay in kooxda ay la sameeyaan nooc kasta oo la-macaamiil ah, islamarkaana ay feejignaan dheeraad ah ka muujiyaan weeraradooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo inay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab ama garab u noqota.

“Dawladda, waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano Dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Hadalka wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa imanaya, xilli saaka xukun dil toogasho ah ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku fulisay saddex nin oo laba kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore uga digtay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.