Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa farriin toos ah u dirtay Somaliland iyo maamulka cusub ee Waqooyi Bari, xilli uu maalmahan soo aadan uu magaalada Laascaanood tegayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa baaq mid ah u diray maamullada Somaliland iyo Waqooyi Bari, isagoo ka dalbaday in heshiis nabadeed la gaaro.
Cali Xoosh ayaa labada maamul ee is-haya usoo jeediyay inay shacabka u daneeyaan, isla markaana ay ka heshiiyaan xiisadda ka dhex aloosan, si maxaabiista la isku dhaafsado isu socodkana la iskugu furo.
“Somaliland iyo Waqooyi Bari labada maamulba waa inay heshiiyaan oo masaalixda ku heshiiyaan, shacabkana u turaan ayaa laga rabaa,” ayuu Wasiir Cali Xoosh ku yiri wareysi cusub oo uu bixiyay.
Dhinaca kale, Wasiir Cali Xoosh oo la weydiiyey in uusan tegi karin magaalada Garoowe ee laga soo doorto ayaa sheegay inuu booqan karo, isla markaana aysan jirin cid u diidi karta sida uu hadalka u dhigay.
“Garowe waan tagi doonaa, cid iga hor istaagi kartaana ma jirto,” ayuu hadalkiisi sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa dhawaan si cad uga horyimid in maxaabiista Somaliland lasii daayo iyadoo heshiis laga gaarin dagaalladii ka dhacay Laascaanood, xilli haatan ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu daayo maxaabiista xiran.
Maamulka ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ciidanka Somaliland ee gacanta ku hayaan ay ku xiran tahay in marka hore la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda labada dhinac.
Si kastaba, baaqan ay dowladda dhexe u jeedisay maamullada Somaliland iyo Waqooyi Bari ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmahan soo aadan uu tegi doono magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), oo bishii August loo doortay Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa waddooyinka waaweyn ee Laascaanood lagu arkayay sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo calanka qaranka oo laga taagay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door weyn ku laheyd in magaalada Laascaanood laga dhiso maamul rasmi ah oo kamid ah maamul goboleedyada dalka.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.
Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminaya 5-ta sano ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.
Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.
Dowladda dhexe ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

