Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya laamaha amniga ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qabtay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah iyo kaniiniyaal isticmaalkooda laga mamnuucay Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in daroogada la qabtay ee laga soo dejiyey garoonka la doonayay in dalka lasoo galiyo, balse si buuxda loogu guuleystay in la fashilo qorshahaas.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed in howlgal wadajir ah oo uu la kaashaday hay’adaha ammaanka lagu qabtay189 Baakadood (box) oo daroogo ah iyo Kaniini oo ka reeban isticmaal iyo ka ganacsiga oo si sharci-darro ah lagu soo gelinayay Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xeer Ilaalinta ayaa qoraalkaan ku sheegtay in Daroogada la qabtay ay halis ku tahay badqabka bulshada, taas oo laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaan lagu dhex qabtay intii aysan kabixin Garoonka.
“Xafiisku waxa uu wadaa baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si gacan loogu soo dhigo, loona horkeeno cadaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa adkeeyey la dagaallanka dambiyada la xiriira daroogada.
“Waxaan digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hallan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.