Muqdisho (Caasimada Online) โ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay war-saxaafadeedka kasoo baxay shirkii ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa lagu goโaamiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland iyo in si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
Sidoo kale waxaa lagu gaaray in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dhinacyada soo saaray go’aannadan ku tilmaamay kuwa u adeegaya dano shisheeye, isagoo yiri “Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn!”.
Sidoo kale waxa uu sheegay in mustaqbalka Soomaaliya shan nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan inay hanaqaado aysan marti u ahaanayn, sida uu hadalka u dhigay
“Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo, Soomaaliya Dawlad muddo xileedkeedii ku jirta ayaa taladeeda iyo mustaqbalkeeda laga sugayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Soomaaliya oo haatan shidaal soo saaraneysa, ayna ka shaqeynayso inay amnigeeda ku filnaato in shaqsiyaad bar madow uga yaal dalka ay yiraahdan mustaqbalkea Soomaaliya ayaa ka shaqeynayna.
Shirka Nairobi ayaa imanaya xilli la filayay in wada-hadallo rasmi ah u bilowdaan Dowladda Federaalka iyo hoggaanka maamulka Jubaland, isla markaana lagu waday in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu u safro magaalada Kismaayo.
Tan ayaa mugdi gelinaysa sii amba-qaadista dhex-dhexaadinta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhinac ah, iyadoo sii dheereynaysa in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka taagan, xilli ay Villa Somalia dooneysay in galka labada maamul lasoo xiro.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn!
Mustaqbalka Soomaaliya 5 nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan in ay hanaqaado Marti uma ahan, kuwaasoo taariikhdooda la yaqaan!
Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo, Soomaaliya Dawlad muddo xileedkeedii ku jirta ayaa taladeeda iyo mustaqbalkeeda laga sugayaa.
Waxaa ayaandarro ah Soomaaliyada maantay shidaalka soo saaranaysa, amnigeeda in ay ku filnaato ka shaqaynaysa, tiigsanaysa doorasho qof iyo cod ah in shakhsiyaad sooyaalkooda la yaqaan ay leeyihiin mustaqbalkeeda ayaan ka hadlaynaa!
Waxaa la joogaa markii laga gudbi lahaa ma gudbayaasha siyaasadda, waxaana ilaahay mahaddii in ay umadda horteeda mar kale ku ceeboobayaan.!.