Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay hadalkii maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland oo caddeeyay in aanu ka qayb-galeynin Shirka Golaha Wadatashiga ee dhowaan ka dhacaya Muqdisho.
Saciid Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabad uu ciidamo cusub tababar ugu soo xiray oo ka dhacday Boosaaso ayaa shuruud adag ku xiray ka qayb-galka shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo marka hore dalbaday in dowladda dhexe ay kusoo laabato heshiisyadii ay horay uga baxday ee dhaliyay khilaafka labada dhinac.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan inuu fuliyo ballan-qaadyadii hore, kadibna ay diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro is faham-waaga taagan.
“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqonmayso. Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey.” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo seegay in Deni uu noqday jid iyo jiho diid, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inuu diidan yahay aqoonsiga maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo iyo inay isku tashadaan dadka deegaannadaasi.
“Waa jid Iyo jaho diidnimo gogosha Qaran diidmadeedu iyo isku tashigii bulshada SSC-khatumo ma ogoli, Soomaaliyey isbarasho” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana aad loo hadal hayay shirka uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Soomaaliya, oo isugu yeeray madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si ay uga wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed, kor loogu qaado midnimada qaranka, loogana wada shaqeeyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ay ka midka yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka GWQ tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.