DF oo jawaab ka bixisay tallaabadii Bankiga Adduunka

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixiintii Bankiga Adduunka ee loogu hanjabay Soomaaliya in tallaabo culus uu qaadayo Bakgigu, haddii aan lasoo gudbin xisaab xirkii laga rabay.

Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu gudbiyay warbixinada laga rabay ee ku aadan mashaariicda uu maalgeliyo Bankiga Adduunka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa xusay warbixinadaas ay dowladdu gudbisay, ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo asteeyay, sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedaka.

“Tallaabadan ayaa dhiirigelineysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, siineysana hubanti saaxiibbada horumarka Soomaaliya ka taageera iyo joogteynta mashaariicda horumarineed ee JFS” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee uu soo saaray Hantidhowrka guud ee Qaranka.
Bankiga Adduunka ayaa maalin kahir ku wargeliyay xubnaha dowladda in laga rabo xisaab-xirkii dhaqaalihii Bankiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii.

Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bankiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka.

Bankiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca qeyru-xadka ah ee ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March.

Bankiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah;

  1.  Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
  2. Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota.
  3. Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib loo dhigi doona, xitaa qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan.
  4. Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota.
  5. Bankiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin.
  6. Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa.

Sido kale waxa uu Bankiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood.

Si kastaba, arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka ay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha, balse ay lagama maarman tahay oo loo baahan yahay taageero dheeri ah.