Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadalaadda iyo arrimaha dastuurka dowladda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa si adag ugu jawaaay xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo dhawaan taageeray hadal kasoo yeeray afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere.
Caananuug oo hadal ka jeediyay kulankii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira ayaa ka fal-celiyay khudbaddii uu Sheekh Cali Dheere uga hadlay murannada dhulalka Muqdisho, wuxuuna xildhibaanka tilmaamay in ninkaas uu ka damqaday dhibaatada shacabka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay sii socoto dhibaatadan in ay horseedi doonto in dadka ay cararaan, ayna aadaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
“Cali Dheer waa hadlay, waana uu khudbeeyay, isaga oo u damqanaayo hooyada iyo dhallaanka bannaanka taagan, mana aqbaleyno ayuu yiri. Runtii Xasan Sheekh Maxamuud ummadda waa barakiciyay dhibaato ayuuna u horseeday maatada” ayuu yiri Caananuug.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka marka ay kululaadaan oo meel ay aadaan waayaan oo dowladdii ay hoos joogeen ay barakiciso siyaasi kale oo ay kusoo leexdaan waayeen argagixiso ayay aadaayaan”.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macallin oo wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaan uu soo qaato daliil ahaan hadalka Al-Shabaab.
“Haddii argagixisadii dadka leyneysay oo dhiigoodaa banneysatay haddii ay leeyiiin dadka xuquudooda ayaan u doodeynaa ama lasoo daliishado sow kama sii fool xumo” ayuu ku jawaabay wasiir Xasan Macallin.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in argagixisadu uusan ka dhexeyn wax heshiis ah, balse uu kala dhexeeyo dagaal, maadaama buu yiri ay banneysteen dhiigga dadka shacabka ah.
“Wax naga dhexeeya argagixisada oo heshiis ku nahay ma jiraan, waana gaaleysiiyeen diinta ayay naga saareen, kadibna dhiigeyna ayay banneysteen” ayuu mar kale yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo si weyn looga falceliyay hadalka Xildhibaan Caananuug, waxaana ka horyimid dad badan oo ay ku jiraan kuwa siyaasiyiin ah oo cambaareeyay in la buun-buuniyo hadallo kasoo yeeray kooxaha argagixisada ah.