Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay is-araggii maanta ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta.
Dhinacyadan ayaa isku arkay dalka Jabuuti oo ay u tageen ka qeyb-galka xuska 25 guuradii kasoo wareegtay shirkii nabadda Carta ee 2000 ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.
Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la taagan Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre oo kamid ah ragga ugu cad-cad Madasha Samatabixinta, waxayna kaamirada kasoo muuqdeen iyaga oo is gacan qaadaya, isla markaana dhoolacadeynaya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo qoraal kooban kasoo saaray is-araggaan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu markasta diyaar u yahay wada-hadal.
“Go’aanka Madaxweynaha wada-hadalka wuxuu dhaafay xadka Soomaaliya, wuxuu fursad u helay inuu la kulmo xubnaha Mucaaradka, xilli maanta la xusayo dannad guurada 25-aad ee shirka Carta,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.
Kulankan ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu xoojinayo wada-hadalka, is-fahanka iyo dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee gudaha iyo gobolkaba.
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay adkeynayso ahmiyadda ay leedahay siyaasad degan oo wadar oggol ah, si loo gaaro hay’ado dowliya oo dhisan, awood buuxdana u leh in ay si joogta ah u gutaan waajibaadka.
Si kastaba, magaalada Carta oo qiyaastii 40 KM u jirta caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xuska shirweynihii Carta ee taariikhiga ahaa, kaasi oo saldhig u noqday dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya.

