26.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

DF oo ku dhawaaqday arrin ay sugayeen reer Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda howlaha guud iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha wadooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada magaalada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad-raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo “Nagaad” hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa.

Mashruucan ayuu sheegay in uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha wadooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

“Dhawaan waxaan hirgalinay nidaam lagu hubinayo tayada agabka dhismaha dalka, waxaana la sameeyay Laab tayo-hubin ah oo qayb ka ah mashaariicda cusub,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweynaha Qaranka, intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb, isagaa indhihiisa ku arkay natiijadii mashruucaas waa guul la taaban karo in dalkeennu isku filnaansho ku gaaro dhanka dhismaha.”

Isbeddelka magaalooyinka dalka

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socda dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka.

Tusaale ahaan, magaalada Garowe ayaa laga hirgeliyay buundooyin iyo biyo-mareenno casri ah, kuwaas oo sare u qaaday isku socodka iyo kobaca dhaqaalaha deegaanka.

“Waxaan hadda dhiseynaa wadooyin tayo sare leh iyo biyo-xireenno waaweyn oo suuragelinaya in roobabku aysan mar dambe wadooyinka Muqdisho burburin. Waxaan dhulka hoostiisa marinaynaa biyo-mareenno casri ah, si aan u soo celinno quruxdii bari-samaadkii ee caasimaddu lahayd,” ayuu ku daray wasiirka.

Qorshaha xalka waara ee caasimadda

Dr. Cilmi ayaa sheegay in bilowga bisha November magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayaa diiradda saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga bilaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

“Waxaan sameynay sahan dhameystiran oo muujiyay in biyo-xireenadii magaalada ay burbureen. Sidaas darteed, qorshahan cusub wuxuu noqonayaa xalka waara ee wadooyinka iyo biyo-mareennada caasimadda,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

Hirgelin cusub oo bilaabanaysa sanadka 2026

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo bilaabi doono bilowga sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee wadooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

“Burburka laamiyada waxaa sababay daadka iyo la’aanta biyo mareenada. Marka la sameeyo biyo-mareenno waara, daadku wuxuu si dabiici ah u qaadi doonaa biyaha, taas oo ka hortagaysa burburka iyo khasaarihii hore,” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Ugu dambeyn, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda dalka.

“Dowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda wadooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan. Tani waa bilow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,” ayuu ku soo gaba-gabeeyay Wasiir Cilmi.

- Advertisement -

Read more

Local News