Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay uga hortageyso in mucaaradka uu isku hubeeyo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in aysan marnaba dowladdu aqbali doonin in mucaarad uu hub ku dhex qaato magaalada Muqdisho.
Fiqi oo daba socda is-weerarada siyaasadeed ee hoggaanka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si cad u sheegay in jaanis ku filan la siiyay mucaaradka, isla markaana muddo shan jeer ah lala kulmay.
“Nin qori qaadan karo ma jiro, Aniga oo Wasiirka Gaashaandhigga ah ayaa dhahaya ‘nin qori magaalada Muqdisho dhexdeeda ku qaadan kara ma jiro,” ayuu yiro Wasiir Fiqi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Yuhuud maa tahay ayaa dhacayso, bootadaas way dhammaatay.” Tan ayaa sida muuqata ah farriin cad oo haddii uu mucaaradka isku dayo inuu hub ku dhex qaato caasimadda ay ka sheekeyn doonaan.
Dhinaca kale, Fiqi oo difaacaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in aysan jirin sabab dib u dhigi karta doorashada qof iyo cod. Hanaankan doorasho ayey ku kala tageen mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo isagu ku adkeystay in aan dib loogu noqon doonin doorasho dadban.
“Weli waxaa jirta dhibaatada laga dhaxlay doorashooyinkii dadbanaa oo xitaa jufooyinkii lahaa kuraasta xubnaha baarlamaanka ay qaarkooda ku kala go’een,” ayuu yiri Fiqi oo u qiil dayaya doorasho qof iyo cod, oo uu sheegay inay 100% ka wanaagsan tahay hanaankii hore ee hoggaanka tallada haya uu kusoo baxay.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda Xasan Sheekh, kadib markii lagu kala kacay wada-hadalladii xalka loogu raadinayay khilaafka taagan, ayna dhinacyadu hadallo kulul hawada isku mariyeen, iyadoo mid walba dhinaca kale ku eedeynayo fashilka wada-xaajoodyada.