28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

DF oo ku dhowaaqday baasaboor cusub oo dalka uu yeelanayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Somalia Today) — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa shaacisay qorshe ballaaran oo dalka lagu keenayo Baasaboor cusub sanadka 2026-ka, kaas oo beddeli doona kan haatan shaqeeya ee ay muwaadiniintu isticmaalaan. 

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Dhuxulow, uu soo bandhigayay Warbixinta Waxqabadka Sanadlaha ah ee 2025, munaasabad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Muqdisho, hal-ku-dhiggeeduna ahaa: “Xuduudo Sugan, Soomaaliya oo Badqabta.”

Warbixinta ayaa iftiimisay horumar la taaban karo oo laga sameeyay sugidda amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo u-guurista nidaam casri ah (digital transformation) oo ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan iyo adeeg tayo leh. Waxaa sidoo kale lagu faahfaahiyay dib-u-habeyn sharci iyo mid hay’addeed oo si toos ah u waafaqsan Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Hay’adda ee 2025–2029.

Sida lagu xusay xogta la soo bandhigay, sanadka 2025 Hay’addu waxay ku guuleysatay hirgelinta Nidaamka Fasaxa Socdaalka Elektarooniga ah (e-TAS), iyadoo casriyeysay baasaboorka si uu u waafaqo heerarka Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Adduunka (ICAO). Waxaa intaas dheer xoojinta dadaallada lagula dagaalamayo tahriibka iyo dambiyada xuduudaha, iyo hagaajinta nidaamyada keydinta xogta iyo maareynta waxqabadka.

Warbixinta ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday kaalinta Akadeemiyada ICA ee tababaridda shaqaalaha iyo kor u qaadista xirfaddooda, iyo weliba maalgashiga lagu sameeyay kaabayaasha xuduudaha, xarumaha adeegga, iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo amni waara.

“Markii aan xafiiska la wareegnay, tallaabadii ugu horreysay ee aan qaadnay waxay ahayd inaan si degdeg ah u joojinno is-bed-beddelkii joogtada ahaa ee lagu sameynayay baasaboorka iyo xogta shaqsiga,” ayuu yiri Agaasime Mustafa oo ka hadlayay caqabadihii hore.

“Inkastoo aan wajahnay culeysyo, haddana safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah way soo dhaweeyeen tallaabadaas. Dad badan ayaa caadeystay inay beddelaan magacyadooda iyo taariikhda dhalashada, taasoo halis ku ahayd in la lumiyo kalsoonida lagu qabo nidaamkeenna.”

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in 27-kii Janaayo ay heshiis is-afgarad ah la saxiixdeen Hay’adda Booliska Adduunka (Interpol), iyadoo lala kaashanayo hay’adaha kale ee dowladda, tallaabadaas oo uu sheegay inay door weyn ka qaadatay soo celinta kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa qiray in magaalada Muqdisho ay ku jirto xaaladdii amni ee ugu wanaagsanayd muddo sanado ah, isagoo guushan ku sababeeyay dadaalka joogtada ah ee laamaha amniga.

“Dowladda si weyn ayay ugu riyaaqsan tahay guulaha iyo waxqabadka caawa la soo bandhigay,” ayuu yiri Wasiir Fartaag. “Waxaan bogaadineynaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha Soomaaliya.”

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ammaanay hoggaanka hay’adda iyo dib-u-habeynta socota, isagoo xusay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa hay’adaha dowladda.

“Si dhow ayaan u la soconnaa shaqada hay’adda,” ayuu yiri Wasiir Faarax. “Agaasimuhu wuxuu u babac-dhigay culeysyo waaweyn iyo cadaadis, taasoo gacan ka geysatay horumarka aan maanta arkeyno iyo kororka kalsoonida lagu qabo tayada baasaboorka Soomaaliga.”

Wasiirka ayaa raaciyay in nidaamyada cusub ee ay soo kordhisay ICA ay xoojiyeen sinnaanta muwaadiniinta, xaqiijiyeenna in si caddaalad ah loo helo baasaboorka.

“Waxaan ku ammaanayaa Hay’adda Socdaalka dadaalka ay ku bixisay la-dagaallanka ku-takri-falka baasaboorka, taasoo horseedday in dib loo soo celiyo aaminaaddii caalamku u hayay Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

- Advertisement -

Read more

Local News