26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

DF oo la kala safatay Sacuudiga iyo Imaaraadka oo si weyn isku haya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageertay siyaasadda iyo hoggaaminta Boqortooyada Sacuudiga ee arrimaha dalka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xalay sii daysay bayaan ku qoran luqad adag oo diblumaasiyadeed, kaas oo ay ku taageertay Sacuudiga, oo haatan si weyn iskugu hayaan Imaaraadka gudaha Yemen.

Soomaaliya, marnaba kuma soo hadal qaadin warkeeda dalka Imaaraadka oo ah cidda uu Sacuudigu gacanta ka qabanayo arrimaha dalka Yemen ee dowladda Soomaaliya ku ammaantay inuu ku socda go’aankiisa.

Tan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta, kaas oo indhaha ka dadbaday inuu si toos ah uga hadlo xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta wada-hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Amiir Faisal bin Farxan Al-Saud, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga.

Intii uu socday wada-hadalka, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa Sacuudiga taageerada cad ee Boqortooyada Sacuudiga ay u muujisay go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Sacuudiga, kaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Amiir Faisal bin Farxan ayaa xaqiijiyay garab-istaagga joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudiga ay u hayso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay Sacuudigu siinayso xasilloonida, amniga iyo horumarka Geeska Afrika, iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Si kastaba, Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii si adag u sheegtay in amnigeeda qaranku yahay “khad cas,” iyadoo taageertay dalabka ah in ciidamada Imaaraadka Carabta ay muddo 24 saac gudahood ah kaga baxaan dalka Yemen.

Tallaabadan ayaa noqoneysa khilaafkii ugu cuslaa ee soo kala dhex-gala labada dal ee xulafada ah tan iyo billowgii colaadda Yemen.

Go’aankan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay duqeeyeen shixnad hub iyo gaadiid gaashaaman ah oo yaallay dekedda Mukalla ee dalka Yemen.

Riyadh waxay sheegtay in Imaaraadku uu hubkaas u siday xoogagga gooni-u-goosadka ah, taas oo xadgudub ku ah madax-bannaanida dawladda Yemen iyo heshiisyadii xulafada ee soo jiray mudada tobanka sano ah.

Digniinta Sacuudiga ayaa timid kadib “duqeyn xaddidan” oo ay xaqiijisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), taas oo sheegtay in labo markab oo ka yimid Fujairah ay sifo sharci-darro ah hub uga soo dejiyeen dekedda. Xiisaddan ayaa halis ugu jirta inay kala jarto isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta, isla markaana cakirto isku-xirka ciidamada dagaallamaya.

- Advertisement -

Read more

Local News