Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaja dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Siihayaha Safaaradda Liibiya Nasr Mohamed Assanosi, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.
Fiqi ayaa danjiraha kala hadlay laba arrimood oo kala ah xoojinta xiriirka labada wadan iyo bedqabka muhaajiriinta Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Inta uu socday kulanka waxaa intiisa badan xoogga lagu saaray arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda iyo ilaalintooda.
Sidoo kale waxaa la’isla soo qaadau sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta danaynaysa inay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo guryo-noqdaan dalkooda.
Dhinaca kale waxaa kualanka kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo ammaanka dalka Liibiya, sida lagu xusay qoraalka wasaaradda.
Liibiya ayaa waxaa ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haystaa xaalado nololeed oo aad u daran.
Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo todobaadkii lasoo dhaafay Magafe laga soo badbaadiyay muhaajiriin badna oo ay ku jiraan Soomaali, kadib markii gacanta lagu soo dhigay ninkii muddada haystay, ayada oo muqaaladooda lagu faafiyay Internet-ka.