25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

DF oo maanta hirgelisay nidaam kasii adag e-Visa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u hirgelisay nidaamkan cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaas oo si buuxda u xakameyn doono socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya.

Nidaamka ETA ayaa shirkadaha duulimaadyada ku amraya in aysan soo qaadi karin qof aan heysan oggolaanshiyaha Dowladda federaalka iyo nidaamka E-visa ee dhawaan la dhaqangeliyay.

Nidaamkan ayaa si toos ah ugu xirnaan doono nidaamka duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha iyo nidaamka xog isdhaafsiga rakaabka (API/PNR).

Marka nidaamkan la hawlgeliyo, waxaa waajib noqon doonta in rakaab kasta oo ku socda garoomada dalka uu oggolaansho ka helo nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

ETA-da ayaa siinaysa Dowladda Federaalka awood ballaaran oo la xiriirta socdaalka, oo ay ka mid yihiin: magaca rakaabka, taariikhda dhalashada, faahfaahinta baasaboorka, taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore, iyo sidoo kale faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku.

Nidaamkan ayaa sida muuqata ka sii adag midka haatan ay ka cabanayaan maamullada qaar ee e-Visa-ha, kaasi oo qasab ka dhigaya in qofka wata baasaboorka shisheeye ee ka degaya garoomada dalka, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, uu jarto fiisahaas ka hor socdaalkiisa.

Arrintan ayaa si toos ah u saameyn doonta shirkadaha duulimaadyada sida FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin inay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka cusub ee Dowladda Federaalka dhawaan dhaqan-gelin doonto.

Dowladdu waxay si dhameystiran ula socon doontaa xogta rakaabka ay diyaaraduhu usoo qaadaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale hay’adda socdaalka u oggolaan doonta in qofka ay doonto laga reebo diyaaradaha.

Si kastaba, qorshaha hirgelinta nidaamkan cusub ayaa u muuqda mid amni iyo siyaasadba leh, oo Dowladda Soomaaliya ku xoojinayso awoodda ay ku maamuleyso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taas oo si toos ah u taaban karta cid kasta oo ka hor timaadda.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa. Maamulka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray in hawadeeda aysan soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan, iyadoo wasaaradda duulistu soo bandhigtay nidaam cusub iyo shuruudo looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan.

- Advertisement -

Read more

Local News