26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DF oo markii ugu horeysay war kasoo saartay qilaafka dalalka Eritrea iyo Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti.

Dowladu waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in kaalin weyn laga qaato xalinta Khilaafka maadaama labada dal ay kala dhexeyso calaaqo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Somalia ay heshiisiin doonto dowladaha Eriterea iyo Jabuuti.

Waxa uu sheegay in Somalia ay qaadan doonto kaalinta ugu weyn ee xalinta khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay raali ka tahay inuu sii taagnaado khilaafka.

“Dowlada Somalia waxa ay heshiisiin doontaa dowladaha Eriterea iyo Jabuuti si khilaafka daba dheeraaday looga gudbo”

“Kaalinteenu waxa ay noqon doontaa mid leysugu soo dhaweynaayo labada dal, Somalia waxba uma aragto warqada halka mar kasoo baxday Jabuuti ee khuseysay dhaliisha laga muujiyay hadalka madaxweynaha”

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Somalia ay ka go’an tahay inay xal waara u hesho khilaafka labada dal, waxa uuna rajo ka muujiyay xalinta khilaafka.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dowlada Jabuuti ay goor sii horeysay ka carootay haddal uu saxaafada la wadaagay Madaxweyne Farmaajo kaa oo adduunka looga dalbanaayay in laga shaqeeyo sida cunaqabateynta looga qaadi lahaa Eriterea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News