25.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

DF oo oo shaacisay habka loo marayo sidii kheyraadka dalka loo soo saari lahaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Cabdirashiid ayaa sheegay in arrintan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada London, halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.

Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka, shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii, wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News