DF oo qarisay khasaaraha qarixii Ceelgaabta iyo xogta cidda la beegsaday – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ayaa qariyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta, kaasoo waxyeelo kasoo gaaray ergo kasoo jeeda Somaliland.

Sida xogta lagu helay, waxaa qaraxa uu haleelay gaari bas ah oo ka mida kuwii ay la socdeen ergadaasi, waxaana dhaawacyo qaarkood culus yihiin kasoo gaaray ku dhowaad 8 dumar ah oo kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco oo ka mid ahaa ergada doorashadii shalay Muqdisho ka dhacday.

Hablaha ergada ahaa qaarkood ee qaraxa is-miidaaminta ku dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer, waxaan la sheegay in laba ka mida ay qabaan dhaawacyo culus oo ay qalliin galeen, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo xaaladooda, qaarkoodna ay ahaayeen dad aad looga yaqaan.

Landa Cabdi Maxamed iyo Amal Baashe oo ka mida ergda ku dhaawacmay qarixii shalay ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada ee dadka kasoo jeeda Somaliland, waxaana duco loogu diray hablaha dhaawacmay, iyadoo la is weydiinayo sababta keentay inay dowladda iyo hay’adaheeda Amniga ay qariyaan dhibaatadaasi.

Warbaahinta dowladda ayaan soo hadal qaadin warka qaraxa weyn ee dhacay iyo qasaaraha uu geystay, waxayna ciidamadu diideen inay saxafiyiintu tagaan goobta qaraxa, iyadoo tacadi kula kacay weriyeyaasha qaarkood.

Afhayeenka Booliska Col. Cabdifitaax Aadan Xasan oo war kooban kasoo saaray qaraxa ayaa ka gaabsaday inu ka hadlo khasaaraha qaraxu geystay. Qaraxan ayaa u muuqda in Hay’adaha Amniga ay go’aansadeen inay qariyaan, laakiin dhibannyaashii iyo dadkooda ay bannaanka soo dhigeen.

Amiin Ambulance oo gaadiidkooda gurmadka ay goobta gaareen ayaa sheegay inay qaadeen 6 qof oo meyd ah iyo 13 qof oo dhaawac ah, sida uu sheegay madaxa Aamin Ambulance Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qaraxa ku dishay 11 qof oo isugu jira ergo iyo ciidamada booliska.

Isha: Goobjooge