25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DF oo raadineysa wada-hadalka Somaliland iyo arrin cusub oo shaaca laga qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa danaynaysa inay dib u bilowdaan wada-hadallada Somaliland, oo noqday kuwo aan natiijo laga gaarin.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa sheegay in istaraatiijiyadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay inay iska dhex xaliso dhibaatooyinkeeda gudaha, taas oo qayb ka tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Gobolkaasi waa mid ka mid ah gobollada Soomaaliya. Istaraatiijiyaddeenna annagoo ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inaan iska dhex xallino dhibaatooyinkeena gudaha,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Dowladda Federaalka diyaar ugu tahay cid kasta oo ka caawinaysa arrintaasi, “Haddii ay jirto cid kale oo doonaysa inay naga caawiso dhankaas (wada-hadallada), waan soo dhoweyneynaa.”

Soomaaliya ‘oo wax walba u hureysa’ tanaasulka Somaliland

Dowladda Federaalka ee uu haatan hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay sidii xal waara looga gaari lahaa gooni-goosadka Somaliland, isla markaana lagu dhisi lahaa kalsooni iyo is-afgarad.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay xuskii 26 June ee sanadkan ayaa miiska soo saaray “in diyaar u yihiin wax kasta oo horseedi kara dib u mideynta dalka” ayna usoo laaban lahayd Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax walba oo suuragal ka dhigi kara dib u soo celinta midnimada dalka. Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna Somaliland inay dhiirranaan muujiyaan, si wada-hadallada loo bilaabo mar kale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan ayaa gaarsiiyay heerka tanaasulka dowladda dhexe inuu baneeyo jagada haddii taasi lagu helayo midnimo buuxda oo qayb ka tahay Somaliland, oo haatan muddo ka badan 30 sano u dhaqanta sidii “dal madax-bannaan” inkasta oo aqoonsi ka helin caalamka, una arkaan maamul goboleed Soomaaliyeed.

Suuragalnimada wada-hadallo furma mar kale

Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo horay uga qabsoomay dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa mar dambe hakad galay, kadib markii khilaafka labada dhinac uu sii xoogeystay, ayna si weyn u kala fogaadeen.

Dowladda dhexe ayaa muddooyinkii dambe dadaal ku bixinaysay sidii mar kale u furmi lahaayeen wada-hadallada Somaliland, iyadoo xiriir la sameysay Dowladda Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka codsaday Dooxa in dib loo bilaabo wada-hadalladii labada dhinac, taas oo ay ka aqbashay. Qatar ayaa Dooxa ugu yeertay Madaxweynaha Somaliland, iyagoo ka wada-hadlay suuragalnimada in mar kale miiska wada-hadalka la iskugu yimaado.

Inkasta oo diidmo adag uusan ka muujin Madaxweyne Cirro, haddana Qatar waxay muujisay muhiimadda midnimo Soomaaliyeed. Dooxa ayaa maamul goboleed ugu yeertay Somaliland, halka Somaliland ay sheegtay in meeqaam “dal” lagu qaabilay.

Qatar oo la filayay inay tahay dalka dhex-dhexaadin kara wada-hadallada Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa hadda madaxda Somaliland u arkaan mid dhinac u janjeedha, maadaama ay xoojineyso midnimada Soomaaliya.

Si rasmi ah looma oga in Qatar ku guuleysan doonto inay miiska wada-hadalka isugu keento Soomaaliya iyo Somaliland, oo iyadu in ka badan 30 sano caalamka ka iibgeynaysay hanaankeeda dimuqraadiyadeed iyo xasilloonida ay ku naalooneyso, waxaana isha lagu hayaa sida ay wax noqon doonaan.

Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si weyn u sii kala fogaaday kadib heshiiskii Somaliland ay la gaartay Itoobiya, kaasi oo Hargeysa ay sheegtay inay aqoonsi uga beddelanayso Addis Ababa marin badeed.

- Advertisement -

Read more

Local News