Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya laga saaray liiska Qaramada Midoobey ee askareynta carruurta, kadib go’aan rasmi ah oo ka soo baxay QM, kaas oo lagu cadeeyey in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed aysan ku lug laheyn kiisaska askareynta carruurta.
Dowladda Sooomaaliya ayaa sheegtay inay masuuliyad iska saartay dhowrista badqabka shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dasturka dalka, heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiiday.
“Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku hadlaysa magaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalaba Sida, guusha go’aankii ay Qaramada Midoobay ku shaacisay 17-kii Juun 2025, oo Ciidamada Qalaba Sida si rasmi ah looga saaray Liiska kuwa ku lugta leh askaraynta carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankaan uu caddeyn u yahay isbeddelka hufan ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay.
“Guushan taarikhiga ah waxay ka dhalatay wadashaqayn dhow oo u dhaxaysay Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adaha UNICE iyo UNTMIS, iyadoo la fuliyay qorshaha qaran ee badqabka carruurta, si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucdan caalamiga ah ee la xiriira carruurta xiliyada colaadaha hubaysan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah guddoonka Guddiga Badqabka Carruurta ayaa si gaar ah u bogaadineysa go’aanka Qaramada Midoobey “Wada-shaqeyntaas mugga leh waxay xoojisay hannaanka ilaalinta carruurta, waxayna horseeday in Soomaaliya ka gudubto heerar adag oo horay loo soo maray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Ugu dambeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku balan qaaday inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyada iyo heshiisyada kala dhexeeya Qaramada Midoobay ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan.