Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in khayraadka looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.
Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.
“Wasaaradda Batroolka waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doonto natiijada xigta kadib sahminta la aruuriyey, taas oo dhawaan soo bixi doonta, marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo waxay sheegtay inay bulshada usoo bandhigi doonto.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahad-celisay dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada-shaqaynta iyo iskaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood, kaas oo fududeeyey in sidii loogu qorsheeyay uu kusoo idlaado wejiga koowaad ee sahminta shidaalka.
“Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintoodii hoggaamineed ee la addin soo saarta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Bayaanka wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina waxay ugu bishaarayday Ummadda Soomaaliyeed in dalkeenna uu u socdo dhabbaha horumarka, iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.