26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

DF oo shaacisay magacyada madax sare oo Al-Shabaab ah oo hal goob lagu dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo howl-galay qorsheysan lagu dilay.

Howl-galkan ayaa Axaddii shalay ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley ee gobolka Shabeelle Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-galkan ku dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaataynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxda lagu dilay howl-galkan ayaa waxa kamid ah:

  1. Jacfar Aadan – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Jabad Godane.
  2. Cabdirisaaq Cali – Wuxuu kooxda u qaabilsanaa daweynta.
  3. Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyada ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

Howl-galkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.

Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News