24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

DF oo shaacisay sida ay ula tacaaleyso go’aanka Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dowladdu ay la qabsaneyso duruufaha dhaqaale ee adag, islamarkaana yareyneyso saameynta, kaddib markii Washington ay dhimis ku sameysay kaalmadii shisheeye.

Wuxuu ku dooday in Mareykanka uu weli leeyahay dano istiraatiijiyadeed oo ku aaddan inuu sii joogo Soomaaliya, gaar ahaan marka ay timaaddo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo garabka kooxda Daacish (IS).

“Waan qiraynaa isbeddelkan, waxaana isku dayeynaa inaan la qabsanno,” ayuu yiri Cali Balcad oo wareysi siinayay jariiradda Al-Majalla. Wuxuu intaas ku daray in dhimista gargaarka Mareykanka aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse ay ka tarjumayso dib-u-qiimeyn ballaaran oo caalami ah oo lagu sameeyay kaalmada shisheeye ee Washington.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa culeysyo dhowr ah. Waxay u taagan tahay inay ilaaliso guulaha dhanka amniga, u diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, iyo ka jawaabista caqabadaha bani’aadannimo ee soo noqnoqda sida abaaraha, fatahaadaha, barakaca, iyo cunto-yarida.

Sanadkii la soo dhaafay, Washington waxay adkeysay siyaasaddeeda kaalmada shisheeye, iyadoo barnaamijyo badan gelisay dib-u-eegis, hakad, ama dib-u-habeyn lagu sameeyay.

Soomaaliya gudaheeda, isbeddeladaasi waxay carqaladeeyeen qeybo ka mid ah hannaanka gargaarka oo muddo dheer taageerayay gurmadka bani’aadannimo iyo adeegyada horumarinta.

Bilowgii bishii Janaayo 2026, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la xayiray kaalmadii la siin jiray dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ku eedeysay inay waxyeello u geysteen xarun ay taageerto Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) isla markaana ay leexsadeen agabkii gargaarka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, iyagoo sheegay in gargaarku uu weli gacanta ugu jiro Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, Cali Balcad ayaa ammaanay taageeradii hore ee Mareykanka uu siiyay dhismaha dowladnimada iyo waaxda amniga. Wuxuu sheegay in hay’adaha Soomaaliya ay hadda u diyaar garoobayaan xilli ay yaraan doonto maalgelinta dibadda, iyagoo isla markaasna isku dayaya inay ilaaliyaan barnaamijyada muhiimka ah.

Waxa uu sidoo kale beeniyey in jiritaanka Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh Daacish ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay horumar sameyso.

Wuxuu ku dooday in dowladnimadu ay soo hagaagtay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, isla markaana aysan maleeshiyaadku hadda maamulin dhul ballaaran oo dalka ka mid ah sidii hore.

Iskaashiga milateri ee Mareykanka uu la leeyahay ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadood ayaa sii socda, oo ay ku jiraan howlgallo wadajir ah oo loogu talagalay in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Qiimeynta Mareykanka ayaa ku tilmaamtay Al-Shabaab inay tahay garab muhiim ah oo ka tirsan Al-Qaacida, iyadoo iftiimisay muhiimadda sii kordheysa ee unugga Daacish ee Soomaaliya uu ku dhex leeyahay shabakadda guud ee kooxdaas.

Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay sii wadato iskaashiga amniga xitaa iyadoo siyaasadaha gargaarku isbedelayaan. “Waxaa laga yaabaa inuu isbeddel ku yimaado qaabkii wax u socon jireen,” ayuu yiri, “laakiin tan uma fasiranayo in Mareykanka uu faraha kala baxayo daneyntiisa Soomaaliya.”

- Advertisement -

Read more

Local News