26.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Dowladda oo shirkadaha diyaaradaha siisay digniin soo afjaraysa amarkii Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah u dirtay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee tegaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shirkadaha diyaaradaha ugu goodisey in ay mamnuucayso, haddii ay soo qaadan rakaab aan sidan dal-ku-galka elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo looga baahan yahay rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ogaatay in dhawaan rakaab ay Flydubai u soo qaaday Hargeysa aanay helin fiisaha online-ka ee dowladda Soomaaliya ka hor inta aanay u safrin garoomada Somaliland.

Arintan ayey sheegtay in ay tahay mid aan waafaqsanayn shuruucda duulista iyo socdaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay si badheedh ah wax ugu dhimayso ilaalinta xuduudaha iyo habraaca amniga qaranka ee dalka.

“Hay’adda Duulista (SCAA) waxay si rasmi ah u soo saartay ogeysiis iyo amar ku saabsan in si degdeg ah looga dhaqan geliyo habraacyo adag oo hubin ah dhammaan goobaha ay rakaabku ka dhoofaan. Waa in si gaar ah loo hubiyaa in dhammaan rakaabka u socda Hargeysa ay haystaan e-visada Soomaaliya ka hor inta aanay safrin.”

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku hanjabtay in shirkada duulimaadyada ee u hogaansami waaya arrintaan ay kusoo rogi doonto ganaaxyo maaliyadeed iyo in la joojiyo duulimaadyadooda gudaha Soomaaliya.

Digniintan ayaa imaneysa xilli xukuumadda Somaliland ay shirkada diyaaradaha fartay in aysan u hoggaansamin karin go’aanka e-visaha ee kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland waxay uga digtay in shirkad kasta oo diyaaradeed oo u hoggaansanta sharciga e-visaha ee Soomaaliya laga mamnuuci doono inay ka hawl-gasho hawada iyo garoomada Somaliland.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa horey ugu eedeeyay Dowladda Federaalka inay waddo wax ay ku tilmaameen “olole colaadeed” oo la xiriira maamulka hawada iyo hagidda duulimaadyada. Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu ciqaabo shacabka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in muranka ku saabsan hawada iyo oggolaanshaha duulimaadyada uu yahay “mid siyaasadaysan” isla markaana loo adeegsanayo cadaadis ka dhan ah Somaliland.

“Waa wax laga xishoodo oo ceeb ah in dawladda Soomaaliya iyo dadkeedu ay weli ku hawlan yihiin dadaallo lagu dhibaataynayo Somaliland, inkastoo ay ku fashilmeen damacyadoodii hore,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

“Waa gef weyn inaad sheegataan inaad taageersan tihiin ‘Soomaaliweyn’ balse dhab ahaantii ujeeddadiinu tahay inaad dhibaato u horseeddaan shacabka Somaliland.”

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasban inuu bixiyo labo lacagood oo dal-ku-gal ah, midka e-visa ee Dowladda Federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Kan e-visa ayaa marka hore laga rabaa in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.

Somaliland iyo Puntland ayaa u arka go’aanka cusub ee Dowladda Federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

- Advertisement -

Read more

Local News