24.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

DF Soomaaliya oo jaamacad u aqoonsatay kulliyadda Turkiga ee Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa kuliyadda tababarka ciidamada ee TÜRKSOM u aqoonsatay mid kamid ah Jaamacadaha rasmiga ah ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku dhawaaqay in ardayda ka qalinjabiya kulliyadan ay heli doonaan shahaado la aqoonsan yahay, maadama uu soo bartay cilmi muhiim ah oo anfacaya bulshada Soomaaliyeed.

“Waad ku mahadsan tihiin nafhurnimadiina. Waxaan rajeynaynaa oo aan ku kalsoonahay in aad awood u leedihiin in aad soo af jartaan cadowga iyo argagixisada,” ayuu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee waxbarashada ciidamada, isagoo xusay in labada dhinac ay wada fariisteen oo dib u eegis ku sameeyeen manhajka waxbarashada.

“Manhajka kuliyadda waxaa lagu daray maadooyinka lagama maarmaanka u ah waxbarashada tacliinta sare ee dalka, si shahaadada ay noqoto mid rasmi ahaan loo aqoonsan yahay,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay maanta kuliyadda tababarka ciidamada ee TÜRKSOM bandhig ciidan oo ay sameeyeen fiidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Bandhiggan ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay cutubyada kumaandooska ku qaateen muddadii ay ku jireen tababarka sare ee ay bixiso dowladda Turkiga.

Munaasabadda bandhiga ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in ciidanka Gorgor ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ciribtirayo cadowga.

“Ciidanka Gorgor waa tiirka guusha ee dagaalka lagu xoreynayo dalka. Waxaan idin ku bogaadinayaa geesinnimada iyo dadaalka aad u haysaan difaaca qarankeena. Waa in aad sii laba jibbaartaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan dhanka tababarka iyo tayeynta ciidamada, isagoo xusay in machadka TÜRKSOM uu door muhiim ah ka qaato dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidanka Gorgor oo hoostaga Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka howl-gala gobollo kala duwan oo ay kamid yihiin Shabeellaha Hoose, Galgaduud iyo Hiiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News