Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, taasi oo u dhaxeysa dowladda Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Khilaaf siyaasadeedka labada dhinac oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho ee riixayso Villa Somalia ayaa waxay Dowladda Federaalka sheegtay “in uusan jirin khilaaf dhab”, hase yeeshe waxay qirtay inuu socdo wada-hadal siyaasadeed oo degan.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Al-Araby al-Jadeed ayaa sheegay in markasya oo doorasho la diyaarinayo ay dhacdo isweydaarsi aragtiyo, ayna jirin wax taas ka badan.
“Anigu ma arko in uu jiro khilaaf dhab ah. Markasta oo doorasho la diyaarinayo, waxaa dhacda in la is-weydaarsado aragtiyo ku saabsan hannaankeeda. Waxaan horay ugu guuleysanay doorashooyin dhowr jeer ah, waana ku guuleysan doonaa mar kale,” ayuu yiri Wasiir Balcad.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxa ka socda Soomaaliya waa wada-hadal siyaasadeed oo deggan, dhammaanteenna waxaan rabnaa inaan gaarno natiijo laga wada raalli yahay. Doorashaduna waxay dhici doontaa waqtigeeda.”
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta wax ka beddelka dastuurka oo si weyn iskugu hayaan dowladda iyo mucaaradka, isagoo sheegay in gebi ahaanba la beddelayn dastuurka KMG ah, balse qodobo gaar ah oo muhiimad u leh horu socodka dalka la hagaajinayo.
“Dastuurka hadda jira waa mid ku-meel-gaar ah oo la ansixiyay 2012. Ma aha in gabi ahaanba la beddelo, balse qodobo gaar ah ayaa la beddelayaa. Soomaaliya waa dal federaal ah, sidaas darteed waa in la tixgeliyaa aragtida dowlad-goboleedyada kahor inta aan la horgeyn baarlamaanka,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waxa uu intaas kusii daray “Tallaabadaas waa la qaaday, waxaana baarlamaanku ansixiyay Afar cutub oo dastuurka ah, 11 cutub ayaa haray. Doodda way socotaa.”
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo wajaheysa cadaadiska beesha caalamka, oo dooneysa in si dhab ah loola hadlo siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa haatan isku dayeysa inay hoos u dhigto khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda ka dhalatay hanaanka doorasho ee ku howlan tahay.

