Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeyn kari weyday in doorashada madaxtinimada dalka ay ku qabsoomi doonto waqtigeeda, xilli uu muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya ku egyahay bisha May 2026.
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, oo magaalada Dhuusamareeb uga qeybgalay shirka Heritage, ayaa ka gaabsaday su’aal laga weydiiyay doorashada.
Wasiirka ayaa la weydiiyay in dowladdiisu ay waqtigeeda ku qaban doonto doorashada madaxtinimada dalka, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hanaanka doorashada.
Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinka ay kala horeeyaan, taas oo ka bilaabaneysa heer degmo, heer dowlad-goboleed illaa heer federaal, taas oo ah jaranjar waqti qaadaneysa.
“Doorashooyinka waa imisa doorasho? Hanaan doorasho ayaa jira oo mideynaya doorashada waddanka oo dhan, wuxuu ka soo bilaabanayaa heerka degmo; Gobolka Banaadir ayaa lagu tijaabiyay, degmooyinka oo dhan way ka dhaceysaa, tii dowlad-goboleedkana way dhaceysaa, tii federaalkana way dhaceysaa,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.
Waxa uu intaas ku sii daray: “Madaxweynaha waxaa dooranaya baarlamaan ay shacabku soo doorteen, haatan baarlamaanka ayaa ka doodi doona heshiiskii lala gaaray mucaaradka oo ansixin doona. Mucaaradka Golaha Mustaqbalka gogoshu waa idin furan tahay; waxa aad soo jeedineysaan miiska keena, wada-hadalkana aqbala.”
Hadalka wasiirka ayaa laga fahmi karaa in doorashada ay kadib dhici doonto kadib waqtigeeda, maadaama hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee lagu mideynayo guud ahaan dalka ay qaadaneyso waqti, halka haatan si tijaabo ah u hirgashay doorashada golayaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa tan iyo markii ay dowladdu billowday hanaanka doorasho qof iyo cod ka digeysay muddo-kororsi, iyagoo ku eedeeyay hoggaanka talada jooga in qorshahan uu uga dan leeyahay helitaanka waqti dheeraad ah oo ka baxsan muddo-xileedkiisa.
Dhawaan, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta iyo maamullada Jubaland iyo Puntland, ayaa Kismaayo ku yeeshay shir wadatashi, kaas oo ay si adag uga horyimaadeen in muddo-kororsi uu sameysto hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay shirka Kismaayo ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo laguna kala irdheynayo shacabka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wax ka beddelka dastuurka ee ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo-kororsi sharci-darro ah, taas oo uu sheegay inay abuureyso xasillooni-darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, taas oo ah dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, waxay isku raaceen in haddii Madaxweynaha uu iska indha-tiro baaqa kor ku xusan, uu Golaha Mustaqbalka guda geli doono sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

