28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

DF oo Soomaalida kaga digtay arrin Saameysay inka badan 150 dal oo caalamka ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqidhso (Caasimada Online) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay khatarta virus-ka ku sii fidaya adduunka.

Waxaana lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu saameynta badnaa, iyadoo uu gaaray illaa 150 dal oo caalamka ah, waxaana laga baqayaa in Virus-kaasi uu soo gaaro gudaha dalka Soomaaliya.

Meelaha ugu dhow dalkeena ee laga soo sheegay arintaan ayaa ah dalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya, waxaana laga baqayaa in Soomaaliya uu soo gaaro Viruskaan cusub.

Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si laguugu furo.

Waxaa suurtogal ah oo laga baqayaa in Soomaali badan loo dhacaa Computer-rrada ay adeegsadaan.

Ma jirto qaab looga hortagi karo, mana jirto dowladd heysta xeeladaha looga hortagi karo arintaan qatarta ku ah caalamka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News