27.4 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Sawirro: DF oo u yeertay odayaasha beelaha isku leynaya Wanlaweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aaddan colaadda ka taagan degmada Wanlaweyn ayaa u yeertay odayaasha dhaqanka beelaha isku haya aagga degmadaasi, kuwaas oo colaadoodu meel xun gaartay

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood oo ay ka dhexeyso colaadda ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga hadlay xaaladda deegaannada ay colaaddu ka socoto iyo sidii loo xallin lahaa arrimaha is-khilaafka keenaya, isla markaana looga gaari lahaa xal waara.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii loo sii dhaqaajin lahaa dagaallada nabadeed ee haatan bilowday, si looga hortago coladdaasi.

Wasiir Cali Xoosh, oo madasha ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay colaadda, isaga oo soo qaatay qiimaha ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta nafta iyo hantida, iyo muhiimadda ah in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha.

Sidoo kale  wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ay masuuliyad ka saaran tahay kor-yeelidda qiimaha wada-hadalka, nabadaynta, is-cafinta.

Wanlaweyn ayaa waxaa ka taagan xiisad culus oo ka dhalatay ninkii lagu gubay duleedka degmadaas, waxaana xigay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac iyo in la gubo tuulo ku taalla halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale aagga Wanlaweyn uu dirtay ciidamo kala dhex-galay labada dhinac iyo saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, si ay u baaraan dhacdooyinkii dhacay.

- Advertisement -

Read more

Local News