Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kor u qaadeysa iskaashiga caalamiga ah ee dambiyada isaga gudba xuduudaha dalalka caalamka, iyadoo sanadihii dambe si dhow u wada shaqeynayeen booliska caalamiga ah ee Interpol.
Masuuliyiin ka socday booliska caalamiga ah ee Interpol, oo uu hoggaaminayey iskuduwaha barnaamijka hubka ee INTERPOL, Joaquim Rodrigues ayaa maanta dalka soo gaaray, waxaana xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha XFS, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ee la-dagaalanka dembiyada isaga gudba xudduudaha dalalka caalamka, xog-isweydaarsiga, tababarrada iyo baaritaanka dembiyada abaabulan.
Iskaashigan caalamiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka ah la-dagaalanka argagixisada, dembiyada internet-ka ee (Cyber security), iyo sidii loo kordhin lahaa istcmaalka iARMS- keyboard raadraaca hub sharci-darrada ah, ballistic information Network- Xogta raadraaca Rasaasta iyo Firearm Reference Table- xog ururin lagu aqoonsado hubka.
Wasiirka ayaa uga mahad-celiyay wafdiga dadaalka booliska caalamiga ah iyo wadashaqeynta dhaw ee dowladda Soomaaliya la leedahay Interpolka, taas oo kaalin weyn ka qaadatay yareynta danbiyada caalamiga ah, isla markaana kordhisa aqoon-kororsiga iyo xog-isdhaafiga ku saabsan dembiilayaasha caalamiga.
Mudane Fartaag ayaa u ballan-qaaday xubnaha wafdiga in ay sii dardar-gelin doonaan wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Interpol, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka xubnaha ka ah booliska caalamiga ah.
Xarunta booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa waxaa haatan si toos ah ula shaqeeya hoggaanka xiriirka dibadda ee booliska Soomaaliyeed, iyadoo labada dhinac ay iska kaashanayaan sidii dambiilayaal baxsad ah loogu soo gacan gelin lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.