Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga warbixisay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.
Deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, ayuu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya geesiyaasha deegaanka ee Macawisleyda jab xooggan ku gaarsiiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay.
“In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa lagu dilay dagaalka, halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.
Dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha degaanka ay wali wadaan hawlgallo lagu raadraacayo firxadkii ka haray kooxda, si loo baabi’iyo haraadiga Khawaarijta ee isku dayaya in ay baxsadaan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan difaaca shacabka Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada qaranka, iyo ciribtirka guud ee Khawaarijta caadeystay daadinta dhiigga shacabka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kooxda laga saaray deegaano muhiim ah, laguna duqeeyey magaalooyim ay kamid yihiin Sabiib, Caanoole iyo Aadan Yabaal.