26.7 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

DF oo war cusub soo saartay kadib taageerada ay ka heshay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si weyn ugu mahad-celisay dowladaha iyo ururrada caalamiga ah ee taageeray madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib go’aankii ay dhowaan Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay guul u tahay garab istaagga dhabta ah ee ay ka heshay caalamka, xilligaan adag.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dalalka iyo hay’adaha garab-istaagga u muujiyay madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya mahadsanidiin”.

Mahad-celintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay weli sii kordhayaan dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee kasoo horjeeda go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo durbaba abuuray xiisad oo laga dareemay gobolka.

Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dalmadax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

- Advertisement -

Read more

Local News