Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa baaq ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, isagoo dhinacyada dagaalamaya ka codsaday inay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga.
Wasiir Fartaag ayaa ku goodiyey in lagula xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay ee maanta ka dhacday Caabudwaaq.
“Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaa” ayuu yiri Fartaag
Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay.
Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay saldhigga degmada Caabudwaaq, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan lix qof, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo xiisad soo kala dhex-gashay qaar kamid ah ganacsatada deegaanka iyo ciidamada booliska, taas oo soo socotay muddo laba bilood oo xiriir ah, waxaana haatan ay isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaa toos ah.
Ganacsatada ayaa la sheegay in ka biyo diideen in albaabka booliska loo jeediyo dhanka xarumaha ganacsi, iyada oo booliskana uu arrintaas ku adkeystay, taas oo keentay inay isku dhacaan maleeshiyaad ku hayb ah ganacstada iyo ciidamada ammaanka.
Sida ay shegeen ganacsatada albaabka ayaa saameyn ku yeelanaya ganacsigooda, maadaama hakaas ay noqon doonto goob ciidan, iyaguna ay ku ganacsadaan.
Sidoo kale waxaa horay arrinta u dhex-galay waxgaradka deegaanka, balse waxaa fashilmay dhammaan isku dayadii la sameeyay, taas oo keentay inay dagaalamaan labada dhinac.