Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay kaalin mug leh ka qaadan doonta xalinta xiisada u dhexeysa dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad ayaa sheegay in madaxda DF ay isla qaaten inaan dowladahaasi midkood lala safan isla markaana lala garab istaago keliya xalin iyo isku soo dhaweyn.
Wasiirka waxa uu cadeeyay inaanu jirin go’aan soo labeeya xalinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in DF ay ka feejignaan doonto ku biirida xiisada taagan.
Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka, Baarlamaanka iyo Hogaamiye Goboleedyada ayaa inta badan waxaa kala dhex gala Khilaafyo loo cuskanaaya qodobo Dastuuri ah, waxaana lagu fashilmaa xalinta Khilaafkooda.
Dowlada Federaalka ayaa culeys miisaan leh kala kulanta xalinta xasarada kala dhexeysa maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta kale, waxa ayna su’aashu tahay mid dul-taagan sida ay u xalinkarto xiisada labada dal.
Dowlada Federaalka ayaan meel uga banaaneyn inay qeyb ka noqoto xiisada jirta iyo xalinteeda maada aysan xalinkarin khilaafkeeda.
Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Sacuudiga iyo Qadar ayaa kamid ah dowladaha dhaqaalaha ugu badan ugu deeqa Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com